Dacwad-dhageysiga maxkamadda ah ee Zoom - Remote Hearings
Dacwad-dhageysiga maxkamadda waxaad uga qeyb qaadan kartaa fiidiyowga intarnetka ah ee Zoom adigoo isticmaalaya taleefankaaga (Zoom Mobile App) ama in aad intarnetka aalad kale ku soo gasho. Linkigaaga dacwad-dhageysiga ammaankiisu waa sugan yahay oo adiga ayuu gaar kugu yahay, marka haddii aad leedahay ballan ah ogeysiiska dacwad-dhageysi fiidiyow ah, fadlan ka soo qeybgal adigoo gujinaya linkiga, laakiin ha koobbiyeysan linkiga oo ha ku dhejin bog cusub oo ah intarnetka.
Fiidiyowga Zoom waxaad ka heleysaa waxyaabo kuu noqonaya caawimaad markaad isa soo diyaarineyso. Si aad isugu diyaariso dacwad-dhageysigaaga maxkamadda, waxaad daawan kartaa laba fiidiyow oo kala ah, Join a Meeting (Ka qeybgal Kulanka) iyo Joining and Configuring Audio and Video (Ka-qeybgelidda iyo Tijaabinta Maqalka iyo Muuqaalka).
Si aad uga qeybgasho dacwad-dhageysi aad isticmaaleyso fiidiwow (Zoom Mobile App)
La soo deg Zoom app oo gasho taleefankaaga. Haddii aad iska diiwaangelisay ama aad haysato Zoom account, sidaas ayaad fiidiyowga uga soo qeybgali kartaa. Uma baahnid in aad iska sii diiwaangeliso ama haysato summad si aad uga soo qeybgasho dacwad-dhageysiga. Iska hubso in aad cusbooneysiiso barnaamijka ah app-ka.
Tijaabi in uu kuu shaqeynayo intarnetka, sida in aad geli karto fiidiyowga maqalka iyo muuqaalka ah ee Zoom, ka hor intaadan gelin dacwad-dhageysigaaga maxkamadda https://courts-state-mn-us.zoomgov.com/test.

- Furo app-ka oo guji linkiga laguugu soo diray boostada intarnetka (email) ee macluumaadkaaga dacwad-dhageysiga maxkamadda.
- Haddii uu kuu shaqeyn waayo, ama haddii laguu soo diro waraaq ah ogeysiiska dacwad-dhageysigaaga, guji Join a Meeting(Ka qeybgal Kulanka).
- Geli Meeting ID (Lambarka Kulanka) ee maxkamadda.
- Geli magacaaga iyo magaca awoowahaa. Haddii aad qof u tahay wakiil, xilkaaga soo raaci magacaaga, tusaale ahaan, John Smith, Qareenka Eedeysanaha.
- Guji Join (Gal) si aad ugu qeybgasho dacwad-dhageysiga.
- Haddii lagu weydiiyo, geli Meeting Password (Furehaaga Kulanka), lambarro laguu soo raaciyey macluumaadka dacwad-dhageysigaaga maxkamadda.
- Guji Join Meeting (Ka qeybgal Kulanka) si ay kuugu bilaabato dacwad-dhageysigaaga.
Tijaabi in uu kuu shaqeynayo intarnetka, sida in aad geli karto fiidiyowga maqalka iyo muuqaalka ah ee Zoom, ka hor intaadan gelin dacwad-dhageysigaaga maxkamadda https://courts-state-mn-us.zoomgov.com/test.
- Ogeysiiska dacwad-dhageysigaaga ee laguugu soo diray boostada intarnetka (email), guji linkiga maxkamadda si aad si toos ah ugu gasho khadka Zoom.
- Haddii ay sidaas kuu shaqeyn weydo, ama haddii ay maxkamaddu kuu soo dirtay waraaq ah ogeysiiska dacwad-dhageysigaaga, soo gal https://zoomgov.com/join adigoo isticmaalaya intarnetka.
- Geli Meeting ID (Lambarka Kulanka) ee maxkamadda.
- Haddii lagu weydiiyo, geli Meeting Password (Furehaaga Kulanka).
- Marka aad soo gasho dacwad-dhageysiga, waxaad gelin kartaa magacaaga adigoo gujinaya calaamadda Participants (Ka-qeybgaleyaasha) oo waxaad ka heleysaa shaashadda dhankeeda hoose. Dhinaca midige aad oo guji magacaaga More (Waxyaabo Kale) dabadeedna calaamadi Rename (wax-beddelid) si aad ugu qorto magacaaga. Haddii aad qof kale wakiil u tahay, xilkaaga soo raaci magacaaga, tusaale ahaan, John Smith, Qareenka Eedeysanaha.
- Guji Join Audio (calaamadda ah maqlidda) ee kaaga muuqata dhanka bidixda hoose ee shaashadda.
- Guji calaamadda ah Share Video (Muuqaalkaaga La-wadaag).